Published:

Sanadkii 1991, waxa Geeska Afrika ka dhacey is-bedel siyaasadeed oo mugleh, markii ay mar qudha burbureen labadii xukuumadeed ee ugu awooda badnaa, colaad qarniyo jirsatayna ka dhexeysay. Xukuumadahaa burburey oo ka talinayey waddamada Ethiopia iyo Soomaaliya, waxa muddo dheer soo kale hogaaminayey Colonel Mugiste Haile Maryam iyo General Maxamed Siyaad Barre, waxaana burburkoodii sabab u ahaa jabhadihii dagaalka hubeysnaa la galey ee ahaa EPLF(Eritrean People’s Liberation Front) iyo SNM(Somali National Movement). Halgankaas oo kala bilaabmey 01 sept 1961 iyo 6 april 1981.

Maanta, 30 sanno kadib, juqraafiyada Geeska Afrika ee Beesha Caalamku aqoonsantahey waa 4 waddan(Ethiopa, Eritrea Djibouti iyo Soomaaliya), halka 1991 ka hor ay aheyd 3 waddan.

Β 

Somaliland , waxey muddo rubuc qarni ka badan dedaal dheer ugu jirta sidii ay Beesha Caalamka xubin buuxda uga mid noqon laheyd, tiiyo ah Dal ay Dawladnimadu u dhameystiran tahey, oo muddo ka badan 25 sanno ahaa waddanka keli ah Geeska Afrika ku dhaqma dimuqraadiyada reer Galbeedku ku faanaanΒ . Hadaaqa iyo oohinta beenta ah een Soomaaliya mar horeynu dhegaha ka fureysaney, Hogaanka Qarankeenuna wuxuu awooda saarey sidii uu Beesha Caalamka uga dhaadhicin lahaa Qadiyada xaqa ah ee Somaliland.Β Madaxweynuhu, wuxu si cad kor iyo hoosba u sheegey in wax Wadahadal aanu dib u furmeyn ilaa ay Dawlada Soomaaliya garawsatoΒ Β in Somaliland iyo Soomaaliya isu soo hor- fadhiistaan sidii laba Dal oo kala Madax Banaan, israacii 60-kiina burburey. Wax magarata du dooda in Siyaasad Arrimaha Debada Somaliland fashilantey maanta hadalΒ Β u ma banaana.

Guushii hadafkeenu wey soo dhawaatey.Β Wafdigeeni Jabuuti tegeyΒ cadawgii QarankeenaΒ siΒ geesinimo ku dheehanΒ tahey ayuu u weerarey tiiyo waliba marag caalamiya goob joog aheyd. Hagardaamoyinkii qarannimada Somaliland ka dhanka ee laga soo maleegayo Muqdhishu, oo aad uga maseyrsan horumarka dhaqaale ee ifaafaaliisu soo muuqdo maanta ka guuleysaney. Madaxweyne Muuse doodi Garnaqsiga Somaliland wuxuu ka jeediyey Goobteedi iyo goorteedi, maadaama ay Waddamadi ugu tunka weyne duniga goobjoog ahaayeen.Β Β 

Guntii iyo gabagabadii, Goobtaynu naala Β gardaraΒ badan, Guddoon aan gaban baa maanta inoo gadhwadeen ah,Β Β shacabkeena Sharafta Leh soo dhaweynta kal gacalka leh ay kala hortegeen markii Wafdigeeni Jabuuti ka soo labtey waa isgarab taag Gadwadeenka iyo Gaadh hayaha Qaranka iyo farriin cad oo ku socota Beesha Caalamka. Dhalintan la maran habaabinaayo ee taariikhda Somaliland la moodo in ay hilmaan sanyihiin, waxaan leeyahey ku diirsada gullaha Qaranku gaadhey idinka dhaxli doonee, riyadii midnimo Somaaliweyn madhan dhimatey waa hore. Mudana Mujaahin Madaxweyne,Β QarankaadΒ Β Dhiiga iyo Dhuuxa u shubtey, Maanta Dheeftiisi gudoon.


Β 

Wa Bilaahi Tawfiig,

Somaliland Guul iyo Gobanimo.

Maxamuud-Yaasin Cabdilaahi Cali.

mederka@hotmail.com

Brussels,

Belgium.

News Related