Published:

Addunka waxa ka socda isbeddel xoog leh oo salka ku haya dhaqaale. Beryahan danbe dawladdaha waaweyn ee Amerika iyo Shinaha ayaa aad isku haya sababto ah dhaqaalihii ayaa u wareegaya dalka Shinaha. Amerika oo qarnigii nasoo dhaafay ahayd midda hogaamisa dhaqaalaha adduunka ayaa hada ka walaacsan sida xaawaraha badan u Shiinhu u qabsaday dunida.
Waxa taariikhda ku xusan waxa loo yaqaano Dabinkii Tusidiid. Tusidiid wuxu ahaa taariikhyahan greek ah kana qoray dagaalladii dhex maray dawladdihi greega ahaa ee la odhan jiray Sparta iyo Athens. Mid ka mid ah dawladahaas ayaa u aragtay in soo kicitaanka dawlad kalay ay halis ku tahay hoggaamiinta ay hoggaamiso dawladihii yaryaraa ee greega sidaasna waxa ku bilaabmay dagaalkii loo yaqaanay Sparta iyo Athens.
Marka hada la eego Amerika oo diidan in ay ka dhacdo lambarka koobaad ee talada adduunka iyo Shiinaha oo si xoog leh ku socda noqona doona lambarka koobaad ama dawladda koobaad ee adduunka ayaa ku loolamaya sida qaaradaha dunidan oo dhan looga samaysan lahaa asxaab iyo taageerooyin dawladeed.
Hadabaa haddii aan ku noqono taariikhda waxa ku xusan waqtigii u guumaystuhu Somaliland yimid wuxu degey Berbera iyo Saylac wuxu u dagay dagaalkii la odhan jiray ( opium war) dagaalkii xashiishka awgii. Ciidamadii Ingiriiska ahaa ee ka dagaallamay Shiinaha ayaa u baahday hilib. Markaas Berbera oo Cadan ku toosan ingiriisna haystay xoolo badana ka imaan jireen ayu isticmaarku is tusiyay in ay muhiim tahay lana qabsado waajib tahay.
Wuxu Ingiriisku uso tallaabay Somaliland wuxuna la galay heshiis maxmiyadeed Saylac iyo Berbera Iyo Las Qoray. Degitaankii ka dib wuxu ku guulaystay dagaalkii ka dibna si rasmi ah ayu u degey Somaliland. Waxa u cadaatay in ay Berbera muhiim weyn u tahay magaaladii Saylacna waa ay dumiyeen. Ingiirsku wuxu isticmaalayey siyaasad ah in u qabsado marinada badaha adduunka inta ugu badan. Badda cas ee Somaliland waxa ay u ahayd muhimad straatajiyad aad ugu weyn khubarada milateriga boqortoyadda Ingiriiska. Tartan waxa kula jiray boqortooyaddi cusmaaniyiinta oo iyadu daciif sii noqonaysay markii Saylac iyo Berbera laga qabsay waxa bilaabmay burburkii boqortooyadaas oo waqti badan soo jirtay. Xeebaha Somaliland cidda ku xoog badata ayaa addunkana ku xooganaan jirtay maadama Aasiya iyo Europe ay u tahay marin ama irid ay si maraan soona maraan. Ahmiyaadas awgeed dalalka Aasiya ee hadda soo kacay waxa ay ogyihiin muhiimada mandiqada geeska Afrika dawladdaha Khaliijkuna waa ogyihiin. Somaliland waxa ay laf dhabar ka tahay jeosiyaasadahaa cusub ee hadda dib u bilaabmay ee una dhaxeeya dawladaha soo kacaya hadda iyo kuwii si jiray.
Loolankaas ayaa soo bilaabmay xilligii boqortoyaddi Faraaciinta soona socoday waqti dheer ilaa haddana socda.
Dawladaha waaweyn ee Amerika iyo Shiinaha waxa kuso biiray dawladihii carabta. Masar iyo Sacuudiga iyo Imaaraadka iyo Qadar.
Waxay ay rabaan lasoco qaybta so socota Inshallah.

Xuseenn Xaaji Barkhad.

News Related