Published:

Sida u Imaam Axmed guray Xukunka u fulay:

Boqortayadii Adal oo loo yaqaanay luqada af carabiga Saldanatul-Cadal waxa talada hayey 1507, oo ahayd waqtigii u dhashay Imaam Axmed, boqor la odhan jiray Maxamad Maxfuuz. Waxa jiray oo kale lix saldanadood oo kale, oo la kala odhan jiray Hadya Dawaaro Araabini Shawa iwm, oo hada dhamaantood dhulkii ay ku fadhiyi jirayn itoobiya dhamaan hoos tagaan. Magaalada Saylac oo ahayd caasimda boqortooyada Adal waxa so weeraray boqortooyaddii bortiqiiska waqtigaas, waxayna kasoo weerareen xagga badda oo waxa ay gubeen doonyihii xeebta saylac fadhiyay magaaladana hub culus ayey la dhaceen oo way holacday. Lixdaas boqortoyoo waxa maamuli jiray muslimiin dhamaan laakin is wada diidan bixiyana jizyo waxa todobeyn jirtay boqortooyada Adal oo iyadna bixinaysay jizyo.
Suldaan Maxamad Maxfuuz ayaa arrintaas u cuntami weydey wuxuna bilaabi in uu dagaal la galo boqor Dawit kii labaad oo ahaa boqorka xabashida. Dagaalkii waxa lagu dilay Suldaan Maxfuuz waxa la boqray bedelkiisii nin la odhan jiray Abuubakar ibn Maxamad. Markii u xukunka la wareegey Suldaan Abuubakar waxa bilaabmay cahdii adag oo dulmi iyo dhac iyo cabudhin ku dhisan. Dadkii ayaa arrintii u dul qaadan waayay waxa abaabul bilaabay qabaa’iladdii iyo madaxdii siyaasada iyo culumaddii oo ka dhiidhiyey qaabka u u dhaqmayo suldaan Abuubakar. Kacdoonkaas markii u bilaabmay waxa is abaabulay dad da’yar ah oo u ka mid ahaa Imaam Axmad. Waxayna amiir ka dhiigteyn wiil la odhan jiray Cumarudiin. Xagaa iyo Herer dusheeda ayey degeen markii ay maqleen ciidamo xabashi ah ayaa dulaan kuso ah boqortooyada. Ciidamadii xabashida ayaa dhac iyo bililiqo iyo dadkii deegaanka qafaashay maadama u suldaan Abuubakar ku mashquulsana xukun ilaashii iyo cabudhin. Waxa ciidamadii ka daba tegey Imaam Axmad oo wata dhalinyaro dagaalyahana aha waxayna kaso cesheen dadkii la qafaashay iyo xoolihii la dhacay.
Markii u maqlay Suldaan Abuubakar ficilkii ay sameeyeen dhalinyaradaas wu ka cadhooday wuxuna go’aansaday in uu so qabqabtoo isaga oo ka baqaya in ay xukunka ugu yimaadan.

Xuseen Xaaji Barkhad

News Related