Published:

    

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi oo safar shaqo ku maraya goboladda Bariga dalka ayaa maanta kormeer ku soo maray xarumaha caafimaadka ee magaaladda Caynaba ee xarunta gobolka Saraar.

Waxaana wasiirka iyo agaasimaha guud warbixino la xidhiidha xaaladaha xarumaha caafimaadka iyo baahiyaha ay qabaan ka siiyay meelihii ay soo kormeereen isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saraar, iyo agaasimaha cusbitaalka Caynaba.

Wasiirka caafimaadka Xasan Maxamed Gaafaadhi, iyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa labadii maalmood ee u danbeeyay hawlo shaqo ku soo maray goboladda Sool, Sanaag iyo Togdheer.

Waxaanay shalay wasiirka caafimaadka Xasan Gaafaadhi,  iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadku agab caafimaad ku wareejiyeen maamulka caafimaadka gobalka Sool.

Ujeedadda safarka ay wasiirka iyo agaasimaha guud ku soo mareen goboladda Sool iyo Togdheer, ayaa lagu sheegay in ay tahay u kuur gelidda addeegga caafimaad ee goboladaasi iyo u soo qiimaynta   baahiyaha caafimaad ee ka jira.

Sidoo kale wasiir Gaafaadhi, iyo agaasime Xergeeye, ayaa laba maalmood ka hor waxay kormeer kan la mid ah ku soo mareen xarumaha caafimaadka ee gobolka Sanaag   ee magaaladda Ceerigaabo.

Geesta kale wasiirka iyo agaasimaha guud ayaa safarkoodan maanta waxay ku soo gaadheen magaaladda Caynaba ee xarunta gobolka Saraar, halkaasoo ay kormeer indho indhayn ah ku soo mareen cusbitaalka guud ee Caynaba, iyo xarumaha kale ee caafimaadka.

DAAWO: Warka Kormeerka Wasiirka iyo Agaasimaha Caafimaadka:

 

 

News Related