Published:

Fadhigii maanta ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa u baaqday Kooram la’aan, maadaama oo ay xildhibaano badani maqnaayeen.

Fadhiga maanta oo uu shir gudoominayay Gudoomiye Ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiiladda Cali Xaamud Jibriil, ayaa saaka koorom la’aan u buux sami-waayay.
Waxaana fadhigaasi ka soo xaadiray 37 mudane oo kaliya, oo ka mida 82-ka xildhibaan ee uu goluhu ka kooban yahay.


Guddoomiye Cali Xaamud Jibriil, ayaa xubnihii aan golaha ka soo xaadirin ugu baaqay in ay shaqadda qaranka ilaaliyaan, isla markaana ay ceeb ku tahay in ay fadhiyada ka maqnaadaan.

 

News Related