Published:

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali guray) oo kamid ah siyaasiyiinta reer Somaliland ayaa ka dareen celiyay hadal kazoo yeedhay xoghayaha guud ee xisbiga waddani Khadar xuseen kaasi oo uu gabileyna kula dul dhacay isagoo sheegay in uu ku gefay gabiley islamarkaana uu uhiiliyay muuse biixi halka uu ka hiiliyay musharax cabdiraxmaan cirro iyo reer gabileyna.

isagoo arimahaasi ka hadlayana wuxu yidhi.

“Af Xumo Nabadna Way Kaa Kaxaysaa Colaadna Wax Kaagama Tarto!

“Gabiley Maaha Mana Noqon Karto Garbahaaray. Waa Eray Gef ah oo Waxyeelo Mooyee Aan Waxtar Ulahayn Waddani Iyo Musharaxiisa. Xoghayaha Waxaan Leeyahay Muuse Biixi Waad u Hiilisay Ee Kamaad Hiilin. Cabdiraxmaan Iyo Reer Gebilayna Waad Ka Hiilisay Ee Umaad Hiilin.

 

News Related